Muqdisho – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS waa hay’ad dastuur ah oo madax-bannaan, lehna madax-bannaani maamul iyo mid maaliyadeed, laguna dhisay Qodobka 177aad ee Dastuurka JFS. Awoodaha, waajibaadka iyo shaqooyinkiisa waxaa lagu faahfaahiyey Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, Sharci Lr. 17 ee 2019, iyo Sharciga Hantidhawrka Guud, Sharci Lr. 14 ee 2023.
Xafiiska Hantidhawrka Guud waa hay’adda ugu sarreysa ee u xil-saaran hantidhawrka, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida guud iyo macaamilada maaliyadeed ee dowladda, isla markaana fulisa kormeer iyo daba-gal ku saabsan maamulka kheyradka guud. Sidoo kale, waxa uu hubiyaa dhowrista iyo ku dhaqanka shuruucda maamulka maaliyadda iyo miisaaniyadda Dowladda.
Sidaas awgeed, si waafaqsan Qodobka 63aad (2) ee Xeer-nidaamiyaha Sharciga Nidaamka Xukuumadda, Xeer Lr. 174 ee 15/02/2025, “Guddiyada iyo Xafiisyada madax-bannaan ee dastuuriga ah, waxaa lagu nidaaminayaa mabaadi’da dastuuriga ah iyo qodobada ku qeexan xeerarkooda gaarka ah.”
Marka la eego qodobada kor ku xusan, waxaa waajib sharci ku ah Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda in uu si buuxda u dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS, isla markaana tallaabo kasta, go’aan kasta ama habraac kasta oo khuseeya Xafiiska lagu saleeyo Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee lagu dhisay laguna nidaamiyo Xafiiska.
Sidaas darteed, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa in uusan qaadin ama dhaqan-gelin tallaabo wax u dhimaysa, xadidaysa ama ka hor imanaysa madax-bannaanida, awoodaha iyo nidaamka sharcideed ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS.
