Baydhabo, Soomaaliya — Gudoomiyihii hore ee Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Aadan Saransoor oo labudaba kamid ah mudanayaasha baarlamaanka 11 aad ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfurgalbeed.
Masuuliyiintan ayaa kulamo la leh hogaanka maamulka Koonfurgalbeed ee uu hogaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Waftigan uu hogaaminayo gudoomiye Mursal ayaa u jeedadiisu tahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen gogol dib u heshiisiin oo ka furan magaaladda Baydhabo.
Mgaaladda Baydhabo ayaa marti galisay dhacdooyin amni darro iyo dagaalo soo noq noqday tan iyo markii meesha laga saaray maamulkii 7 sano ee lasoo dhaafay ka arriminayay guud ahaan deegaanadda Koonfurgalbeed.
Hogaamiyaha Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Madoobe oo madaxtooyada maamulka ku qaabilay waftiga ayaa sheegay in dhammaan siyaasiyiinta u dhashay deegaanka ay ku casuuman yihiin dib u heshiisiintan isla markaasna ay soo socdaan dadka kale oo muhiim ah.
Sheekh Aadan Madoobe oo waftiga kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose isagoo sheegay inay diyaar u yihiin wax kasta oo tabanayaan bulshada ku nool, lala fadhiisanayo gartoodana la dhageysanayo.
