Home DIBADDA Ayatollah Khamenei oo Trump ku tilmaamay “beenaale” diidayna casuumaad loo fidiyay.

Ayatollah Khamenei oo Trump ku tilmaamay “beenaale” diidayna casuumaad loo fidiyay.

0

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa Isniintii ku gacan seyray wadahadal dib u cusbooneysiin ah oo uga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuuna beeniyay sheegashadiisa ah in Mareykanka uu burburiyay awooddii Nukliyeerka ee Iiraan.

Tehran iyo Washington ayaa wada yeeshay shan wareeg oo wada xaajoodyo aan toos ahayn oo dhanka nukliyeerka ah kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii June kaas oo Israa’iil iyo Maraykanku ay ku duqeeyeen xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan.

“Trump waxa uu sheegay in uu yahay ganacsade, laakiin haddii heshiiska uu la socdo jujuub, natiijada ka soo baxdana la go’aamiyo, ma aha heshiis ee waa wax kusoo rogid iyo cagajugleyn,” Khamenei ayaa sidaas yiri sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version