Doha, Qatar – Dalalka Qatar, Türkiga, Indonesia iyo Pakistan ayaa magaaladda Doha ee dalka Qatar ku saxiixday isfaham ay u gu magac Dareen Badr si ay xoojiyaan iskaashigooda difaaca una xoojiyaan iskaashigooda istaraatiijiyadeed.
Masuuliyiibta heshiiska u saxiixay dalalkan afarta ah wasiirka difaaca Turkiga Yasar Guller, Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha iyo wasiiru dowlaha arrimaha difaaca Qatar Sheikh Saud Bin Abdirahman Bin Hassan Al Thani, Ku xigeenka Wasiirka difaaca Indonesia Yusuf Jauhari iyo sidoo kale wasiirka difaaca Pakistan Khawaja Muhammad Asif.
Munaasabada ay heshiiska ku kal saxiixanayeen dalalkan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Haluk Gorgun, oo ah madaxa Hay’adda Warshadaha Difaaca ee Turkiga.
Heshiiska oo loogu magac daray “Badar” oo macnihiisu yahay “dayax buuxa” ayaa ujeedadiisu tahay in la horumariyo iskaashiga wax soo saarka militariga, la xoojiyo awoodaha militariga, iyo in la taageero iskaashiga tababarka militariga farsamada, cilmi-baarista iyo horumarinta.
Heshiiskan ayaa sidoo kale muhiimad dhaqaale oo muhiim ah u leh saxiixayaasha iyadoo la isku darayo awoodahooda wax soo saarka militariga, la hagaajinayo isdhexgalka iyo xoojinta warshadaha difaaca si loo daboolo baahiyaha wadamada xulafada iyo kuwa saaxiibka la ah.
Waxaa sidoo kale la filayaa in la ballaariyo iskaashiga milatari ee ka dhexeeya wadamada ka qayb qaadanaya, la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya warshadaha difaaca, iyo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyo badan leh si loo taageero amniga, xasilloonida, iyo ujeedooyinka la wadaago, ayay tiri wasaaraddu.
