Iran, Tehran – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa Khamiistii sheegay inay weerareen afar markab oo ku sugnaa waqooyiga Gacanka Carabta, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay shidaal uga kala wareejinayeen maraakiib kale.
Ciidanka badda ee IRGC ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dabku weli ka holcayay maraakiibta la bartilmaameedsaday. Waxay intaas ku dareen in afarta markab la arkay iyagoo shidaal kala wareejinaya, isla markaana isku mar la weeraray sababo la xiriira inay mareen waddooyin badeed oo aan la oggolayn.
IRGC ayaa Mareykanka ku eedeysay inuu maraakiibta ku dhiirrigelinayo inay maraan marin-badeed miinooyin lagu aasay, taas oo ay sheegtay inay kordhinayso shilalka badda. Waxay Washington uga digtay in haddii ay sii waddo tallaabadaas, jawaabta Iran ay gaari karto saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla gobolka.
Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iran ayaa billowday 28-kii Febraayo, markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro ku qaadeen Iran. Iran ayaa kaga jawaabtay weerarro ka dhan ah Israa’iil iyo goobaha Mareykanka ee dalal gobolka ku yaalla, ka hor inta aan xabbad-joojin la gaarin bishii Abriil.
Mareykanka ayaa markii dambe weerarro kale ka fuliyay gudaha Iran, iyadoo wadaxaajoodyada labada dhinac ay hakad galeen, inkastoo ay bartamihii Juun saxiixeen is-afgarad. Iran ayaa 12-kii Luulyo ku dhawaaqday inay mar kale xirtay Marinka Hormuz, kaddib markii Mareykanku dib u bilaabay weerarrada 8-dii Luulyo.
