TEHRAN, Iran – Iran ayaa safiir u magacowday Imaaraadka Carabta, ku dhowaad sideed sano kadib markii uu ka tegay safiirkii hore, xilli uu soo hagaagayo xiriirkeeda dalalka Khaliijka.
“Sideed sano kadib, wasaaradda arrimaha dibedda waxay u magacowday Reza Ameri inuu noqdo safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Imaaraadka Carabta,” waxaa sidaas Talaadadii qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.
Tallaabada ayaa timid kadib markii Iran ay soo dhoweysay safiirka Imaaraadka bishii September, taasi oo soo geba-gebeysay maqnaansho lix sano ah.
Imaaraadka Carabta ayaa dhintay heerka mataalaaddeeda diblomaasi ee Iran kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Sacuudi Carabiya uu xiriirka u jaray 2016-kii, kadib markii dad ka caraysan xukun dil ah oo Sacuudiga ay ku fuliyeen wadaad Shiico ah ay weerareen safaaraddeeda Tehran.

