Thursday, August 27, 2026

Soomaaliya oo daahfurtey tirokoobka dadka iyo guriyaha

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Waasaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, gaar ahaan Hay’adda Qiimeynta Qaranka (National Statistics Agency).

Barnaamijkan oo socon doona muddo labo sano iyo dheeraad ah ayaa laga fulinayaa dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo dowladda uu ka caawinayo bixinta adeegyada bulshada, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muddo hadda laga joogo in ka badan afartan sano ay ugu danbeysay tirakoob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed, waxuuna ku ammaanay hay’adda Qiimeynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta dadaalkooda ku aadan sameynta hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya.

May be an image of 1 person, dais and text that says "POPU HOUSI nd MAY 2- 2 2023"May be an image of 10 people and daisMay be an image of 6 people and text that says "S Census"May be an image of 3 people, lighting and dais

Read more

Local News