Thursday, August 27, 2026

Gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada Wanlaweyn oo la dilay

Share

WANLAWEYN, Koonfur Galbeed – Gudoomiyihii arimaha bulshada degmadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, Haashim Maxamed Shareere ayaa lagu waramay in kooxo hubeysan ay ku dileen duleedka magaalada.

Warar horudhac ah waxay xusayaan in lagala degay gaari uu xalay ka raacay caasimada Muqdisho. Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo falkan ay kasoo saareen laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Dilkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay Wanlaweyn ka taagneyd colaad u dhaxeysa bulsho walaalo ah isla markaana aysan jirin cid ku baxdey sidii loosoo gabagabeyn lahaa.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI KU SAABSAN DILKA MARXUUMKA

Read more

Local News