GAROWE, Puntland – Xaalada magaaladda Garowe ayaa saaka degan wallow dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jiro qaybo kamid ah caasimadda maamul goboleedka Puntland.
Dhaqdhaqaaqa oo ka taagan fariisinka ciidamadda Danab ayaa yimid ka gadaal markii askar taabacsan xukuumadda Deni ay xireen waddooyinka gala saldhigaas.
Illo wareedyo ayaa u sheegay Arlaadi Media in ciidamadda Danab ee Mareykanka uu taageero ay heegan galeen ka gadaal markii ay heleen xogta xiritaanka.
Dhanka kale, sawirro iyo muuqaal lagu faafiyey internet-ka ayaa muujiyey shacab ka qaxaya aagga ay isku-hor-fadhiyaan labaddan ciidan iska soo horjeeda. Lama saadaalin karo sidda uu xaalka isku-badali karo wallow wax kasta ay dhici karaan daqiiqad walba.
Wararka ayaa intaas ku daraya in labada dhinac ay isku-diyaariyeen dagaal daqiiqad kasta ayna ka war-sugayaan waan-waanta ay wadaan odayaasha dhaqanka.
Labo maalmood kahor ayay ahayd markii dagaal ka dhacay Garowe uu galaaftey in ka badan 20 qof ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan illaa 40 ruux kale.
Colaadan ayaa salka ku haysa isbedel lagu sameynayo dastuurka gaar ahaan qodobka kordhinaya tirada xisbiyadda ooh adda ah saddex lagana dhigayo shan taas oo mucaaradka ay diideen.

