Thursday, August 27, 2026

Maxaad ka taqaanaa cuntooyinka badala urka jirka bini’aadamka?

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Lama garanayo inta ay la egtahay cuntada saamaynaysa urta dhididka bini’aadamka. Hase yeeshee, dhakhaatiirta ayaa isku-khilaafsan dhowr nooc raashiin ah oo saameeya urta aadanaha.

Dadka cuna hilibka badan ayaa dhididkoodu leeyahay urka ‘ugu daran‘ marka loo eego dadka ku nool cuntada khudaarta u badan, sidda ay qabaan dhakhaatiirta qaarkood.

Qaar kale ayaa rumeysan in qofka jecel cunista toonta ay u badan tahay inuu soo shiiro si aan la jeclaysan.

Qudaarta loo yaqaan ‘Asparagus‘ iyo dhir udgoon oo kala duwan ayaa sidoo kale saameyn kara carafkeena dabiiciga ah. Maxay yihiin maaddooyinka gaarka ah ee cuntooyinkan u suurtageliya inay beddelaan urta dhididkeenna?

Cunooyinkan ayaa ka kooban kiimikooyin gala dhiigga. Inta badan waxyaalaha gala dhiigga waxa ur ahaan uga soo baxaan jirka aadanaha.

Haddaba, haddii aad cunto toonta iyo hilibka, kuwaas oo qani ku ah maadada la yiraah ‘Sulphur‘, maxaa kala gudboon? Ma in aad dadka u dhowaan mise wax kale?

Read more

Local News