MUQDISHO, Soomaaliya – Taliye Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa ka warbixiyay qoondo lacag ah oo is isxilqaan ah ay xubnaha Ciidanku isaga jareen mushaarkooda looguna talagalay Daryeelka iyo Xanaaneynta Ciidanka.
Taliska Ciidanka Boliiska, ayaa horay ugu saaray guddi ka soo talo iyo tilmaan bixiya qaabka iyo sida ugu fiican ee loo jari karo qoondo is xilqaan ah, waxaana guddi soo go’aamiyay qondo boqoleey ah mushaarka daraja kasta.
Lacagtaan, ayaa loo isticmaalayaa Daryeelka, Xanaaneynta dhamaan Xubnaha Ciidanka Boliiska. Sidoo kale, Hormarinta iyo Tayeeynta Isbitaalka Madiina ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Ciidanka Boliiska uu lacag isaga jaro si isxilqaan ah, horay ayaa xubnaha Ciidanku u kafaalo qaadeen barbaarinta Agoonta Boliiska, iyada oo sidoo kale 1965 qoondo is xilqaan ah loogu dhisay xarumo badan oo Ciidanku leeyahay oo Isbitaalka Madiina ka mid yahay.

