Thursday, August 27, 2026

Ma u tartami lahayd tartanka qofka ugu caajiska badan dalkaaga?

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Tartan loogu magacdaray “Muwaadinka ugu caajiska badan” ayaa ka bilowday waddanka Montenegro.

Shuruudaha qofka guuleysanaya laga rabo waxaa kamid ah in uu sariir dhulka ah jiifto wax ka badan 117 saacadood.

Balse, tartamayaasha waxaa loo ogol-yahay 10 daqiiqo oo nasiino ah siddeedii saacadoodba mar.

Hase ahaatee, 10-kaas daqiiqo waa in ay ku fushaan arrimo cayiman sidda in ay galaan suuli ama musuqul.

Tartamayaasha ayaa waxaa loo ogol-yahay in ay isticmaali karaan taleefannada gacanta iyo laptops-yada.

Tuulada loo dalxiis tago ee Brezna ayaa marti-gelisay tartankan sanadkii hore waxaana lagu guuleystay 117 saacadood.

Guuleystaha waxaa uu helayaa aduun lacageed dhan $ 1,070 iyo in loo caleema-saari doono “Muwaadinka ugu caajiska badan”.

Read more

Local News