NAIROBI, Kenya – Shirka Wadatashiga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgalayaan siyaasiyiin culus oo ay ku jiraan gudoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka, Mursal, Jawaari iyo Shariif Xasan, ayaa ka bilowday magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Kulankan ayaa waxaa looga arrin-sanayaa xaaladda siyaasadeed, doorashadda iyo ammaanka Koonfur Galbeed oo habac-sanaan uu ka jiray muddooyinkii dambe.
Inta uu socda kulankan, waxaa la dilayaa in dhinacyadda ay kawada doodaan qaabka loo wajihi karo arrimaha taagan gaar ahaan doorashadda oo fooda nagu soo haysa.
Gabagabada waxaa la filayaa in dhinacyadda sy soo saaraan war-murtiyeed ay ku caddeynayaan arrimaha ay isla afgarteen iyo mowqifkooda ku aadan mar-xaladda xigta ee siyaasada iyo doorashada Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadda oo uu dhamaad ku dhow yahay heshiiska uu xukunka ku joogo Cabdicasiis Laftagareen kaas oo hogaamintiisa ay Koonfur Galbeed dhaxal-siisay fashil siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ahaan.

