Thursday, August 27, 2026

Shirkii Nairobi oo madax xanuun siyaasadeed ku riday Laftagareen

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaanayo Cabdicasiis Laftgareeen ayaa wajahaya caadis siyaasadeed tan iyo markii uu soo baxay war-murtiyeedkii shirkii Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankaas waxaa isagu yimid siyaasiyiinta ugu miisaaanka culus deegaanada Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan gudoomiyaashii hore ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa waxaaa lagu ayiday hirgelinta heshiiskii magaaladda Baydhabo iyo dardar gelinta howlgaladda ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Heshiiska Baydhabo ayaa dhigaya in bisha November lasoo xulo xildhibaanada baarlaamaanka 3aad ee Koonfur Galbeed iyo in bisha Janaayo 2024 la doorto madaxweynahay iyo gudooomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Hase ahaatee, Laftgareen ayaa ka caga-jiidaya fulinta heshiiskaas isagoo doonaya inuu xukunka sii joogo taas oo mucaaradka ay ka digeen kuna goodiyeen in ay uga hortagi doonnaan awood kasta oo ay hayaan .

Madaxda dowlada federaaalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo gudoomiye Aadan Madoobe ayaa wajahaya dhankooda cadaadis xooggan oo ku saabsan in ay dhaqan-geliyaan heshiiskaas maadaama ay horey u balanqaadeeen.

Dadka ka faaloooda siyaasada Koonfur Galbeed ayaa rumaysan in aysan jirin meel looga leexdo heshiiskaaas iyo in beesha caalamka ay markaaan ka go’an tahay in isbedel hogaan laga sameeyo degaankaas.

Hogaanka hadda jira ee Koonfur Galbeed ayaa ku fashilmay jihaynta aragtida shacabka ee ku wajahan la dagaalanka Al-Shabaab waxaana la aaminsan yahay in hadii la helo hogaan cusub ay meesha ka biixi dooonto habacsanaan .

Laftagareen oo maalmaha xukunka uga haray ay tirsamayaan ayaa haysta laba daran mid dooro doorasho ama dagaal siyaasadeen oo uuu ku dhiigbaxo taas oo dhaawac gaarsiin karta guud ahaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Read more

Local News