Thursday, August 27, 2026

Madaxwayne Guudlaawe oo baaq cusub kasoo saarey la dirirka Al-Shabaab

Share

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul ka dhan ah Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta booqasho iyo kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta degaanka ee ku sugan deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale ayaa deegaanka Cali Fooldheere kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaan, isagoo ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta dhiigya-cabta ah ee u taagan gumaadka shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku dhiirigeliyay ciidanka geesiyaasha ah in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo loogana baahan yahay inay soo afjaraan Khawaarijta naflacaariga ah ee ku go’doonsan Dhulka howdka ah ee Ciid-ciidka iyo Jembilow.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in lasii dardargelin doono baacsiga Khawaarijta Dowladuna ay ka go’an tahay ciribtirka cadowga, isagoo intaas raaciyay in adeegga muhiimka ah ee dowladda la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka laga xoreeyay Al-Shabaab.

Read more

Local News