MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga Joogtada ah ee dowladda Soomaaliya u fadhiya Ururka Islaamka (OIC) Dr Ibraahim Aadan Muuse ayaa shaaciyay in uu iska casilay 18-kii bishaan xilkii uu haayay.
Balse, qoraalkiisa is-casilaadda kuma sheegin sababta uu isu casilay.
Wararka ayaa sheegaya in shaqo ka tagidiisa ay sabab u tahay kadib markii la dhageysan cabashooyin badan oo uu soo gudbiyay.
Fahfaahinta qaar ayaa tibaaxaysa in tabashooyinka ay u badan yihiin xuquuq mushaar oo ka maqan tan iyo markii la magacaabay iyo qarashaad kale oo galay mudadii uu jagada hayay.
Dr Ibraahim waxaa la magacaabay xiliga maamulkii Madaxweyne Farmaajo gaar ahaan dhamaadkii muddo xileedkii dowladiisa.
Muddooyinkii dambe waxaa aad kordhay cabashada dhinaca maaliyadda ee Safiirada Soomaaliya taas oo haddii aan degdeg waxba looga qaban ay keeni karo is-casilaadyo kale oo daran-doori ah.

