Thursday, August 27, 2026

Qaraxii 29-ka October oo loogu magacdaray “duulaankii waxbarashadda”

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay “in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo deg-deg ah oo ay kamid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

Xamse ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ka waraabiyo shuhadadii naftooda ku waayey falkaas argagixiso, waxuuna hoosta ka xariiqay in aan looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed kooxaha dhagar-qabayaasha ah oo laga xoreeyey deegaanno badan oo dalka ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumada ayaa tilmaamay in Waxbarashadu aysan u hakan doonin falalka gurracan ee argagixisada, iyada oo miisaaniyadda cusub ee dhawaan la ansixiyey ay kamid yihiin shaqaaleysiinta 6-kun oo macallimiin ah, kuwaas wax baraya ubadka Soomaaliyeed.

Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madal lagu xusuusanayey, looguna ducaynayey shuhadadii naftooda ku waayey weerarkii 29kii Oktoobar, ayaa ku ammaanay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida ay ugu baraarugsan yihiin dhagarta cadowga baneystay daadadin dhiiggooda.

May be an image of 1 person, dais and text

May be an image of one or more people, crowd and daisMay be an image of one or more people, people studying and crowdMay be an image of 5 people and textMay be an image of one or more people and headscarf

Read more

Local News