Thursday, August 27, 2026

Maxamed Caalin: Kumuu ahaa madaxwaynihii hore Galmudug ee dhintay?

Share

MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.

Alaha u naxariistee, Caalin wuxuu sanadkii ugu dambeeyey ahaa bukaan socod hase ahaatee bishii ugu danbaysay ayuu haleelay xanuunka faaligga kaas oo ka dhigay qof sariir saaran.

Bishii October 20-kedii 1951 ayuu ku dhashay magaalada Muqdisho, waxbarashadiisii hoose dhexe wxuu ku qaatay Muqdisho, dugsigii sarana wuxuu kaga baxay magaalada Baydhabo.

Wuxuu ka mid ahaa saarakiishii waxbarashada u aaday dalka Talyaaniga.Ciidamadii xooga ayuu ku biiray isagoo ka gaaray darajada col .

Marxuunka ayaa noqday taliye xigeenka nabad sugida qaranka ee gobolka Mudug ka dibna noqday taliyaha nabad sugida ee gobolkaasi.

Madaxweyne Caalin wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ka qab galay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethopia isagoo ahaa Sarkaalka dhanka nabad sugida u qaabilsanaa dagaladaas.

Taliyaashii ciidamada ee ugu sareeyey gobolada waqooyi ayuu ka mid ahaa alaha u raxmadee Col.Maxamed Axmed Caalim markii danbana wuxuu u noqday u qaabilsanaha qaybta Socdaalka ee safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.

Buburkii dowladii dhaxe ee Soomaaliya Marxuunku waxaa ka mid ahaa dadkii qurbaha aaday isagoo ku noolaa dalka Ingriiska.

Mid kamid ah madaxweyneyaashii hore Galmudug oo dhaawacmay iyo wararkii ugu dambeeyay - Somali News Leader

Read more

Local News