Thursday, August 27, 2026

Madasha MAANSHIIL oo baaq kasoo saartey fatahaadyada Baydhabo

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha MAANSHIIL ee arrimaha Koonfur Galbeed ayaa baaq waxa ay kasoo saartey fatahaadyadda ku habsadey qaybo kamid ah degaanada maamulka gaar ahaan Baydhabo.

War-saxaafadeed ayay ku xuseen in ay aad uga xun yihiin dhibaatadda ku habsatay dadka shacabka ah isla markaana maamulka xilka haya ku fashilmay u gurmashada dadkan.

Bayaanka ayaa waxa uu intaas ku daraya in ay ka codsanayaan hay’adaha gargaarka in ay degdeg ugu gurmadaan dadkan shacabka ah gaar ahaan barakacyaasha aadka u nugul.

Dadka reer Koonfur Galbeed gaar ahaan qurba-joogta ayay ku tartarsiiyeen in ay muujiyaan midnimo isla markaana ay wax ku darsadaan gurmadka dadka fatahaaduhu saameeyeen.

Illaa haatan, lix qof ayaa la la’yahay ka gadaal markii saacadihii lasoo dhaafay ay Baydhabo ay ka da’een roobab mahiigaan ah kaas oo sababay daadad biyo badan dhigay jidadka.

Read more

Local News