Thursday, August 27, 2026

Laftagareen oo indhaha ka qarsanaya fatahaadyadda Koonfur Galbeed

Share

MOGADISHU, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa hal todobaad kadib waxa uusan hadlin fatahaadyadda kusoo rogtay magaalooyin ay kamid tahay Baydhabo ee ka dhashay roobka mahiigaanka ah.

Laftagareen oo booqasho qarsoodi ah ku joogga magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maamulkiisa waxa uusan xataa gurmad ku filan gaarsiinin shacabka dhibaateysan taas oo dhalisay su’aallo ay iswaydiinayaan qeybaha bulshadda.

Siyaasiyiin si weyn uga falceliyey aamusnaanta iyo gurmad la’aanta taliska Laftagareen ayaa ku dhaleeceeyay arrinkan, waxaana ay usoo jeediyeen in uu kharashaadka uu ku bixinayo safaradda dibadda ah u weeciyo gurmadka dadka tabaaleysan.

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay qaadayaan talaabo haddii maamulka Laftagareen iyo dowladda federaalka ah aysan si degdeg ah wax uga qaban xaaladan kasii daraysa.

Inta la xaqiijiyey, ku dhowaad 10 qof ayaa ku nafwaayay kumanaan kalana waa ay ku barakaceen fatahaadyadda Baydhabo taas oo burburisay waddooyinka iyo guriyaha dadka shacabka ah gaar ahaan xerooyinka barakacyaasha.

Daadadka kusoo rogmaday magaalooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo aaneynayaa xaaladda El Lino taas oo horey digniino looga soo saarey hase ahaatee dadka shacabka ah aanan la siinin waxqabad dhaafsiisan hadal la mariyay saxaafada.

Read more

Local News