Thursday, August 27, 2026

Madaxwayne Xasan Sheekh oo amar dul-dhigay maamulka gobolka Banaadir

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.

Xubnaha guddiga ayuu ku tartarsiiyay in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha.

Gobolka Banaadir oo qeyb ka ahaa shirkan ayuu si gaar ah u dul-dhigay amar ah in ay kor u qaadaan fayo-dhowrka iyo isu-socodka, maadaama roobab joogta ah oo da’ay ay saameeyeen nolasha dadka Caasimadda, waxa uuna xusay shaqada adage ee loo baahan yahay in la qabto.

May be an image of 1 personMay be an image of 10 people, newsroom and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and text

Read more

Local News