Thursday, August 27, 2026

Ingiriiska oo cadaadis ku bilaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Share

MUQDISHO – Dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ku tartarsiisay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u talo badsato meelmarinta heshiisyadda Golaha Wadatashiga Qaranka, sidda ku xusan qoraal wadajir ah oo ay Isla soo saareen labadda dal.

War-murtiyeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho maalmo qaadatay ku tagay Boqortooyadda Ingiriiska halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas kana qeybgalay sir kala duman.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xoojin doontaa daahfurnaanta iyo in qaab loo dhan yahay ku fuliso heshiisyadda Golaha Wadatashiga Qaranka iyadda oo diiradda saareysa qorshaha doorashooyinka federaalka iyo maamuladda lana sameynayo dib-u-heshiisiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa intaas lasii raaciyay: “Si loo gaaro hadafkaas, dowladda Ingiriiska waxa ay ku caawin doontaa Howgalka UNSOM inuu ku guuleysto waajibaadkiisa laga rabo wixii ka dambeeya 2024-ka kuwaas oo ay Soomaaliya u baahan tahay”.

Dhanka kale, bayaanka oo nuqul kamie ay aragtay warbaahinta Arlaadi Media Network ayaa waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dib u bilowdo wadahalada Somaliland.

Read more

Local News