Friday, August 28, 2026

Deni oo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Share

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland (Vetting Commitee).

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAGACAABIDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD   iyo 61-AAD.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2018 kuwaas oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Markuu tixgeliyey:         Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

1. Isxaaq Axmed Xasan  (Guddoomiye )

2. Siciid Xirsi Bulxan  (Xubin)

3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )

4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )

5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)

6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed  (Xubin)

7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)

8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

Read more

Local News