Friday, August 28, 2026

Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliya oo yeelatay gudoomiye cusub

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Ismaaciil Yuusuf Cusmaan wuxuu u magacaabay Siihaayaha Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliya.

Ismaaciil ayaa badalaya Cabdiqaadir Maax kadib markii warqad lagu faafiyay baraha bulshada lagu sheegay in uu ku taliyay in Afka Maayga laga saaro dastuurka.

Tani waxaa si weyn uga caroodey siyaasiyiinta Koonfur Galbeed. Mudaneyaal waxay u gudbiyeen baarlamaanka mooshin ay ku dalbanayaan kulan su’aallo lagu waydiinayo Wasiirka Waxbarashada iyo Gudoomiyaha.

Xildhibaanadda oo qaarkood la hadlay Warbaahinta Arlaadi ayaa shaaciyey in Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir uu qeyb ka yahay naceybka ka dhanka ah Dadka iyo Afka Maayga.

Luuqada rasmiga ah ee Maayga ayaa bishii hore waxaa lagu soo bandhigay magaaladda Baydhabo, waxaana halkaas laga sheegay in si rasmi ah loogu darayo manhajka rasmiga ah ee waddanka.

Read more

Local News