Friday, August 28, 2026

Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka oo loo gudbiyay cabasho

Share

MUQDISHO – Guddiga Isgaarsiinta iyo Warfaafinta Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay qaar kamid ah madaxda saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa diirada lagu saarey cabasho ay saxaafadda madaxa banaan ka muujisay Golaha Warbaahinta Qaranka ee xukuumadda ay meelmarisay 14-ka bishan Maarso sanadka 2024-ka.

Shirka kadib, waxaa warbaahinta la hadlay Abuukar Xashara iyo Xildhibaan Cumar oo fahfaahiyay qodobada kasoo baxay kulankooda, waxayna rajeeyeen in la xalin doono cabashadda taagan.

Golaha Warbaahinta Qaranka ayaa waxay saxaafadda madaxa banaan ku leedahay saddex xubnood taas oo aanan dhicin waxaana xubnaha lagu soo daray ay u badan yihiin shaqaale dowladeed iyo xubno saaxiibo la ah wasaaradda warfaafinta.

Read more

Local News