Friday, August 28, 2026

Sarkaal sare oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ka fulisay duleedka Muqdisho

Share

MUQDISHO – Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Busleey oo ku dhow deegaanka Dhanaane ee koonfurta magaalada Muqdisho.

Sidda ay muujinayaan warar dheeraad ah, khasaaro aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay falkan.

Askarta la dilay waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliiska milateriga; Askarta qaar ayaa la sheegay in la la’yahay; Gaadiid dagaal ayaa la burburiyay, sida ay wararku sheegayaan.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka kaas oo lagu magacaabi jiray Liibaan Golcad ayaa la xaqiijiyey inuu kamid noqdey dadka geeriyoodey.

Kooxda al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dishay in ka badan 57 askari, tiradaas oo aan si madax banaan loo xaqiijin.

Saldhiga la bartilmaameedsadey ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen cutubyo kala duwan oo isugu jira Milatari, Boolis Milatari iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Read more

Local News