Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre ayaa Maanta Soo Gaarey Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wafdiga waxaa qeyb ka ah Wasiir Dowlaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada DFS, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska, Taliye kuxigeenka Ciidamada Daraawiista Dowladda KGS,Xildhibaano iyo Kuxigeenka Xeer-ilaaliyaha CQS.
Ujeedada safarka mas’uuliyiintan ayaa ah baaritaanka shaqaaqadii dhowaan ka dhacdey magaalada Qoryooley taasoo ka dhalatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gudoomiye Barre iyo mas’uuliyiinta kale oo ka hadashay goobta waxa ay sheegeen in ay sameyn doonan baaritaan rasmi ah ayna soo bandhigi doonan natiijadda iyaga oo dadweynaha ka codsadey in ay is-dejiyaan kana war-sugaan dowladda.

