Thursday, August 27, 2026

Madaxtooyada Soomaaliya oo abaabulaysa duullaan ka dhan ah Puntland iyo mucaaradka Puntland oo ku kala irdhoobey qorshaha Villa Somalia

Share

Muqdisho – Madaxtooyada Soomaaliya oo abaabulaysa duullaan ka dhan ah Puntland iyo mucaaradka Puntland oo ku kala irdhoobey qorshaha Villa Somalia (Warbixin).

Villa Somalia ayaa ku hawlan abaabulka shirqool lagu majaxaabinayo nidaamka dawliga ah ee Puntland, abaabulkan oo si toos ah uga socda Xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa fulintiisa si gaar ah uga shaqaynaya masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo ka soojeeda Puntland.

Qorshahan oo dhinacyo badan leh ayaa kan ugu horeeyaa yahay shir la rabo in Xamar looga furo qaar kamid ah waxgaradka Puntland oo saluugsan Xukuumadda Puntlandd hadda ka jirta..

Dadka u ballansan inay Xamar shir ku yeeshaan waxaa ka dhexmuuqda madax dhaqameed hadda qaarkood ku suganyihiin Muqdisho iyo qaar weli jooga Puntland, balse dhowaan u safrin doono Xamar.

Waxaa kale oo shirka loogu yeeray dhallinyaradda Puntland gaar ahaana shaqsiyaad ka dhex muuqda bulshada oo la rabo inay qayb ka noqdan qorshaha Villa Somalia ee kala daadinta nidaam dawladeedka Puntland.

Wejiga labaad ee qorshaha Villa Somalia waa in ciidamo laga dhex sameeyo Puntland kuwaas oo loogu talagalay in ay khalkhal gelin ammaan sameeyaan. Maalmo kahor ayey ahayd markii DFS ay sheegatay in ciidamo ka amarqaata oo kamid ah ciidanka dawladda ay hawlgalo ka dhan ah argagixisa ka fuliyeen buuraha Golis. Warkaas oo ay dawladda Puntland beenisay ayaa lagu macneeyey in uu ahaa farriin ku socoto Puntland macnaheeduna yahay “u diyaargarow dagaal ka dhan ah Puntland.”

Lama oga in Xukuumadda Puntland ay ku baraarugsantahay abaabulka ka socda Xamar, hase ahaatee mucaaradka Puntland, gaar ahaana dhinacyadii lagaga guulaystey doorashadii dhowaan ka dhacday Garoowe, ayaa ku kala qaybsan barnaamijka Xamar laga wado.

Madasha Siyaasadda Puntland oo kamid ah kudladaha siyaasadeed ee Puntland ka dhisan ayaa maalmahaan biloowday shirar dib-u-eegis ah oo daaran Puntland iyo Siyaaasadda Dowladda Federaalka.

Wararka uhelaayo Arlaadi Tv ayaa sheegaya inuu jiro kala aragti duwanaan ka dhex jirta mucaaradka, siiba xaaladaha siyaasadeed. Mucaaradka qaar ayaa aamisan in toos loola shaqeeyo Dawlada Federalka ah islamarkaana gudaha Puntland laga fuliyo mashaariic ka socota Federalka, haddii ay Xukuumada Puntland diidana laga horyimaado. Hase ahaatee mucaaradka qaar ayaa ka biyodiidey ficiladda Villa Somalia iyagoo u arka inaysan xal ahayn in laga horyimaado nidaamka Dawliga ah ee Puntland.

Siyaasiyiinta ku midaysan madasha Siyaasadda ayaa la sheegayaa inay maalmaha soo socda ku shiri doonan magaalada Nairobi, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumaysan in shirka madasha siyaasadu bannaanka keeni doono kala aragti duwanaanta mucaaradka Puntland ee xilligan.

Dhaqdhaqaaqan ciidan iyo kan siyaasadeed ayaa waxaa uu ku soo aadaya xili Villa Somalia iyo Puntland xiriirkoodu meel liidata marayo, sidoo kalena dowladda Puntland ay ku dhawaaqday dhamaystirka doorashooyinkii Golaha deegaanka ee gobolka Nugaal.

 

Read more

Local News