MUQDISHO – Safaarada Soomaaliya ee Suudaan ayaa sheegtay in jeelka Port Suudaan ay kasoo daysay 31 Soomaaliya ah kuwaas oo 24 kamid ah ay yihiin wiilal halka 7 kalana ay yihiin gabdho.
Sii haayaha safaarada Axmed Suudaani ayaa sheegay in 11 kamid ah muwaadiniintan ay afduubteen dabley aanan la aqoonsan heybtooda.
Axmed Suudaani ayaa intaas ku daray in ay wadaan dadaalo ay kusoo badbaadinayaan muwaadiniinta si ay dib ula midoobaan qoysaskooda.
Muwaadiniintan ayaa qorshuhu ahaa in ay magaalada Muqdisho kusoo laabtaan maalinta berri ah wallow aanan la ogayn waxa iska badali doona jadwalkooda kadib afduubkan.

