MUQDISHO – Guddiga doorashada Tunisia ayaa kaliya saddex musharrax madaxwayne u ogolaaday doorashada madaxtinimo ee dhici doonta bisha soo socota.
Dadka la ansixiyay waxaa ka mid ah Madaxweyne Kais Saciid iyo Ayachi Zammel, kaasoo oo kooxdiisa ol’olaha ay hore u sheegeen in la xiray Isniintii.
Kais Saciid waa madaxweynaha haatan xilka. Wuxuu wajahaya eedeymo ah in uu isku dayay in uu xaddido tirada dadka loo ogolyahay in ay isaga la tartamaan.
Tan iyo markii uu ku guuleystay doorashadiisii ugu horeysay ee sanadkii 2019, Mr Saied wuxuu kala diray baarlamaanka wuxuuna isku-koobay awooda.
Todobaadki hore, maxkamada sare ee waddanka Tunisia ayaa amartay in lasoo celiyo sadex musharax kuwaasoo kamid ahaa mucaaradka Kais Saciid.
Tunisia waa dal Carbeed oo ku yaalla waqooyiga fog ee qaaradda Afrika. Dalkan wuxuu caan ku yahay inuu ka bilowday Gu’gii Carabta ee 2010-kii.

