Friday, August 28, 2026

Xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka oo su’aallo la waydiiyay

Share

MUQDISHO – Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib U Heshiisinta Iyo Hanti Isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa Barnaamijka dhab U heshiisiinta iyo Istaraatijiyadiisa ayaa waxa ay xubnahan ka socday wasaaradda warbixin kooban ka siisay Guddiga Nidaamka  Istaraatijiyadda iyo dhab u U heshiinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka uyo Dib U Heshiisinta ayaa Guddiga usoo jeedisay Qorshaha Istaraatijiyadda Qaran ee Hirgelinta Hanaanka Dhab-U-Heshiisinta Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta, Dib U heshiisiinta iyo Hanti isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Axmed Aadan Axmed oo kulanka soo xiray usheegay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib U Heshiisiinta in ay sii wadi doonaan kulamada u dhaxeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Read more

Local News