MOGADISHO – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyay deegaannada dhaca Waqooyiga Gobolka Baay, gaar ahaan waddooyinka isku xira Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.
Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka dhame Axmed Macalin Cabdiraxmaan (Axmed dheere) ayaa xaqiijiyay in mudadii ay ciidanku howlagalka qorsheysan wadeen ay cagta ku mariyeen goobo ay Al Shabaab ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee ku safra waddooyinkaas.
