Friday, August 28, 2026

Shirka Golaha Wadatashiga oo lagu waddo inuu mar kale ka qabsoomo Muqdisho

Share

MUQDISHO – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu waddaa inuu magaalada Muqdisho ka qabsoomo 2-da October 2024, sidda ay ogaatay Arlaadi Media Network.

Dhamaan madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda marka laga reebo hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo kulankan.

Illo wareedyo ku sugan Baydhabo ayaa si gaar ah Arlaadi Media ugu xaqiijiyay in madaxwayne Laftagareen uu qorsheynayo inuu qeyb ka noqdo shirkan muhiimka ah.

Ajendaha shirka ayaa ah sidii madaxda dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka ay uga tashan lahaayeen arrimo masiiri ah gaar ahaan doorashooyinka iyo amniga.

Sikastabaha ahaatee, kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo horey ay dhowr jeer u baaqdey shirka golaha wadatashiga qaranka sababo farsamo darteeda.

Read more

Local News