Home DIBADDA Mashruuc lagu taakuleeynayo carruurta agoonta ah oo laga daahfuray Muqdisho .

Mashruuc lagu taakuleeynayo carruurta agoonta ah oo laga daahfuray Muqdisho .

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Saadaad Caliyow iyo Safiirka dalka Qatar u jooga Soomaaliya Dr Cabdalla Bin Saalim Al-nucaymi ayaa daah-furay mashruuc lagu taakuleeynayo laguna kafaala-qaadayo carruurta agoonta ah.

Mashruucaan waxaa magaalgalinayo Dowladda Qatar, waxaana fulinaya Hay’adda Qatar Charity, iyadoo ay kormeeri doonto fulinta mashaaruucaan Hay’adda SoDMA.

U jeedka Mashruucaan ayaa ah in carruurta agoonta ah goobaha lagu xanaaneeyo ee guud ahaan dalka la gaarsiiyo shixnado gargaar ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loogu taakuleeyo agoonta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version