Friday, August 28, 2026

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo digniin culus hawada u mariyay Itoobiya

Share

MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa si kulul wuxuu uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula Gelalcha.

Wasiir Jaamac oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa xukuumadda Abiy Axmed uga digay in ay dhayalsato awooda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isaga caabin karaan damaca Itoobiya.

Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa sidan;

Abiy Ahmed iyo taliska uu horjoogaha u yahay ee Addis Ababa fadhiya waxaa muuqata in uu marayo xaalad adag oo ay askartu awooddi xoogtay lana gabidhacleyneyso.

Wareysigi u dambeeyay ee uu Berhanu Jula bixiyo waxa uu tusaale u ahaa dowlad fashilantay oo askarigeedii tuutaha watay jiheynayo siyaasadeedi arrimaha dibadda kuna falaadaayo.

Jula iyo Abiy waxaa seegan in wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo ay isku heyb, diin, dhaqan,  af iyo qadiyad yihiin, wax xuduud iyo khilaaf ah oo dhexyaalana aysan jirin, oo ay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya.

Waxey moogyihiin in awoodda qaranka Soomaaliyeed aan looga cabir qaadan karin karaanka dowladdiisa oo kaliya. Hadii Jula awoodda uu xisaabsanayo ay tahay kumannaan ciidan direys wata ah, iyo boqolaal taangi oo duq ah, wuxuu moog yahay in ay ka soo horreeyaan malaayiin wiil oo geerida nolasha ka jecel, kaalma shisheeyana aan u baahneyn, sidoo kale taariikhda fog iyo mida dhowba waxaa la ogyahay in Itoobiya ay daandaansiyadeedi hore kala kulantey jab iyo hoog casharo looga dhigo kuliyadaha ciidan ee daafaha dunida.

Waxaa qof walba u muuqata xukunka ay Abiy & Jula sheeganayaan in uu yahay mid qowmiyadaha Itoobiya oo dhan ay iska diideen iskan soo eryeen, kuna soo koobmay Addis Ababa oo iyadana go’doon ah. Jula iyo ciidankiisa wixi rasaas uu haystay waxa ay uga dhamaatay xasuuqa lagu haayo shucuubta Itoobiya iyo qowmiyadaheeda.

Waxaan dooneynaa Soomaaliya iyo Itoobiya oo nabada ah, daris wanaagna ku wada nool, bale taliska nugul ee Abiy & Jula hadii nabad laga waayo ha la arko ciddi cabsi darteed dabka shidan weyda oo hilibka cayriinka ku cunta.

Read more

Local News