MUQDISHO –Â Danjiire Ilyaas Cali Xasan safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, ayaa Nuqulka aqoonsiga Danjiire-nimo ku wareejiyey Agaasimaha Hab-maamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Tanzania Amb. Yusuph Mndolwa.
Safiirka ayaa Agaasimaha uga mahadnaqay soo dhoweyntii loo sameeyey, wuxuuna lawadaagey in uu xoogga saari doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah oo ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Tanzania.
Xiriirka Soomaaliya iyo Tanzania ayaa salka ku haya iskaashi qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan ganacsiga, waxbarashada, iyo taageerada nabadgelyada ee gobolka.
Labada dal ayaa si wadajir ah uga shaqeeya horumarinta danaha guud ee Gobolka Bariga Afrika, iyadoo Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta ka-qeybgalkeeda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Tani waxay fursad muhiim ah u tahay Soomaaliya si ay uga faa’iideysato iskaashiga dhaqaale iyo midka bulshada, isla markaana u noqoto saaxiib firfircoon oo gacan ka geysta kobcinta gobolka.

