Wednesday, August 26, 2026

Al-Shabaab oo xubno sarre looga dilay duqeyn ka dhacdey Shabeellaha Hoose

Share

MUQDISHO – Duqeyn ayaa xalay ka dhacdey degaanka Hawaay oo ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u xaqiijiyay Arlaadi Media Network in duqeyntan lala eegtay xubno kamid ahaa Al-Shabaab.

Warar horudhac ah ayaa sidoo kale waxay tibaaxayaan in khasaaraha dhimashada ay kamid yihiin ugu yaraan saddex xubno sar-sarre.

Illaa haatan, lama ogga dalka laga leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn drones-ka ah ee fuliyay duqeyntan dhanka cirka ah.

Mareykanka ayaa inta badan waxa uu gobolka Shabeellaha Hoose ka fuliyaa duqeymaha diyaaradaha dhanka cirka ah.

Sikastaba ha ahaatee, degaanka Hawaay ayaa ah goobta lagu dilay hogaamiyihii ugu sareeyay Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane 2014-kii.

Read more

Local News