Home GALMUDUG Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka bilowday Dhuusomareeb

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka bilowday Dhuusomareeb

0

DHUUSOMAREEB – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

Shirkaan waxaa ka qeyb-galaya, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxda, martida iyo guud ahaan ka qeyb-galayaasha shirkaan oo saddexdii biloodba mar qabsooma.
Guddoomiyaha ayaa si kooban kaga war-bixiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka isagoo xusay sida ay lama-huraan u tahay in shirkaan muhiimka ah ay ka soo baxaan qodobbo wax-ku-ool ah.
Madasha ayaa isu keentay daneeyayaasha muhiimka ah si wax looga qabto caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Iskuduwaha gargaarka bani’aadannimada George Conway oo khudbad ka jeediyay shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada (CHF) ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in wadajir la isaga kaashado dadaallada adkaysiga iyo diyaar-garowga ku aaddan dadaallada ka jawaabidda.

Ergayga ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada bani’aadannimo ee ay hormuudka u tahay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA).

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version