Baydhabo, Soomaaliya – Ciidamo daacad u’ahaa madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa lagu waramayaa in aroornimadii hore ee saaka ay weerar ku soo qaadeen magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Koonfurgalbeed.
Ciidamada ayaa sida xogaha lahelay tilmaamayaan inay gudaha usoo galeen gudaha Baydhabo iyagoo ku dhawaaday halka loo yaqaano Afar irdoodka oo ah bartanka magaaladda Baydhabo.
Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfurgalbeed ee ku sugan Baydhabo ayaa sameeyay iska cabin iyagoo magaalada ka saaray ciidankii taabacsanaa madaxweyne Laftagareen.
Taliyaha Boooliska gobolka Baay Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta lahadlay ayaa ka warbixiyay khasaaraha uu geystay dagaalka aroornimadii saaka lagu soo qaaday Baydhabo, taliyaha ayaa tibaaxay in ciidamada amnigu ay ka hortageen dad loo soo adeegsaday inay waxyeeleeyaan amniga magaaladda isagoo intaas ku daray in amnigu xasiloonyahay isla markaasna dadku ay kala aadeen howl maalmeedkooda.
Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed ayaa wada isku day ay ku doonayaan inay dib ugula wareegaan magaalada Baydhabo oo laga saaray 30 kii bisha March ee sanadkaan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa inay deegaanada Koonfurgalbeed kaqabato doorashada madaxweynaha maamulkaas 10 ka June iyadoo maanta lagu wado in ladhaariyo xildhibaanada golaha wakiilada ah ee ku soo baxay doorashada tobanka Bishan kaqabsoontay guud ahaan deegaanada maamulka Koonfurgalbeed.
