Home DIBADDA Wasiirka Difaaca Mareykanka Oo Ka Hadlay Xiriirka Aasiya

Wasiirka Difaaca Mareykanka Oo Ka Hadlay Xiriirka Aasiya

0

Singapore – Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa ka hadlayay shir amni oo ka dhacay Singapore ayaa sheegay in gobolka uu leeyahay muhiimad weyn oo la xiriirta amniga iyo dhaqaalaha Mareykanka.

Isagoo xusay in Washington ay doonayso “isku dheelitirnaan awood oo waarta” oo ka jirta Dalalka Aasiya.

Si ka duwan sanadkii hore, Hegseth ma uusan ku celin digniino culus oo uu Shiinaha uga digayay, balse wuxuu weli sheegay in Mareykanku uusan ogolaan doonin in Beijing ay xukunto gobolka.

Wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Shiinuhu ay doonayaan xiriir ku dhisan iskaashi iyo dan-wadaag, balse uu jiro tartan amni oo weli socda, gaar ahaan arrimaha Taiwan.

Hegseth ayaa sidoo kale ku adkeeyay in dalalka saaxiibka ah ee Aasiya ay kordhiyaan kharashaadka difaaca, isagoo sheegay in Mareykanku doonayo “saaxiibo”, ee uusan doonayn dalal si buuxda ugu tiirsan difaaca Mareykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version