Home DIBADDA Mareykanka Oo Ku Cadaadinaya Isbeddel Ku Yimaada Heshiiska USMCA

Mareykanka Oo Ku Cadaadinaya Isbeddel Ku Yimaada Heshiiska USMCA

0

Washington, US – USMCA oo ah heshiis ganacsi oo dhigaya in Mareykanka, Mexico iyo Canada si fudud oo canshuur yar leh isu kala ganacsadaan, balse Mareykanka ayaa doonaya in la beddelo shuruudihiisa.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo xigatay Reuters, Mareykanku ayaa doonayaa in 82% qaybaha baabuurta lagu soo saaro gudaha gobolka, iyadoo 50% ka mid ah lagu soo saaro gudaha Mareykanka.

Tallaabadan ayaa ka duwan shuruudaha hadda jira ee USMCA, oo dhigaya in 75% qaybaha baabuurta laga sameeyo Waqooyiga Ameerika si ay u helaan faa’iidooyin ganacsi.

Canada ayaa ka maqnayd wada-hadallada lagu eegayo dib u eegista heshiiska, taasoo dhalisay xiisad cusub oo u dhaxeysa Washington iyo Ottawa.

Haddii qorshahan la aqbalo, wuxuu si weyn u saameyn doonaa warshadaha baabuurta ee Mexico iyo Canada, iyadoo heshiiska USMCA uu marayo marxalad dib u eegis ah oo la filayo bisha Luulyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version