MUQDISHO –Â Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ayaa saaka aroortii ku dagaalameyaal degaanka Marnaani oo 30 KM u jirta Magaalada Raaskambooni.
Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegaya isku-dhaxan hubeysan. Illaa haatan, si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhimasho ama dhaawac.
Illaa haatan, ma jiro rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay kasoo saartey iska-hor-imaaadkan.
Dhanka kale, maamulka Jubaland ayaa sheegtay in dagaalka uu yahay mid ay kusoo qaadeen Ciidamada dowladda federaalka ayna ka hortageen.
Telefishinka ku hadla afka maamulka Axmed Madoobe ayaa tabiyay in ay la wareegeen fariisimahii ay joogeen ciidanka dowlada balse lama xaqiijin karo.
Dagaalkan ayaa imaanayaa saacado kadib markii safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho uu ka digay in xiisada siyaasadeed loo Togo isku-dhacan hubeysan.

