ADDIS ABABA – Madaxwayne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo saarey war-murtiyeed wadajir ah kadib markii ay ku kulmeen magaaladda Addis Ababa.
Sidda lagu sheegay warka qoraalka ah, labada hogaamiye ayaa ku heshiiyay in ay dib usoo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal gaar ahaan metelaada safaaradaha labada caasimadood.
Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in labada mas’uul ay isku waafaqeen in ay xoojiyaan xiriirka labo geesoodka ah gaar ahaan dhanka maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha.
Iskaashi dhow oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka yeeshaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo xoojinta kalsoonida ka dhaxeysa labada dal ayaa kamid ah qodobada ku jira war-murtiyeedka.
Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqa in ay isku raaceen dhaqan-gelinka go’aanadii kasoo baxay dhexdhexaadintii Turkiga ee Ankara iyo guddiyada farsamo sii shaqeeyaan.

