Friday, August 28, 2026

Midowga Afrika iyo Soomaaliya oo Heshiis ka Gaaray Tirada Ciidamada AUSSOM

Share

By Cusmaan Xasan (Baafow)

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku afgartay tirada dalalka ciidanka ku tabarucaya howlgalka cusub ee AUSSOM.

“Howlgalka waxaa ka qeyb qaadanaya 11,900 oo askari, boolis iyo shaqaale rayid ah,” sidda ay illo wareedyo u xaqiijiyeen Arlaadi Media Network.

Ciidamada cusub waxaa qeyb ka ah 4,500 oo ka socda Uganda, 2,500 Itoobiya, 1,520 Jabuuti, 1,410 Kenya iyo 1,091 Masar.

Ciidanka Itoobiya waxaa la geeynayaa gobolladii ay horey uga howlgali jireen, halka Burundi laga saaray ka dib khilaaf la xiriira tirada ciidankooda.

Masar aaaa la wareegi doonta meelihii ay joogeen Burundi. Howlgalkan cusub ayaa waajibkiisu yahay wiiqida kooxda Al-Shabaab oo weli khatar ku ah ammaanka dalka.

Read more

Local News