MUQDISHO, Soomaaliya – Murashax Madaxwayne ahna Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdon Saacid ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas khudbad kooban u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee u soo baxay garoonka iyo wadooyinka si ay u muujiyaan taageero iyo soo dhaweyn sharaf leh.
Soo dhaweynta Shirdon oo ay ka qeyb galeen dadweyne ka kala socday qeybaha bulshada siyaasiyiin, dhaqanka, haweenka iyo dhalinyaradda ayaa noqotay mid ka tarjumeysa kalsoonida shacabka iyo baahida loo qabo hoggaan dhab ah oo wax ka beddela mustaqbalka dalka.
“Soo dhaweyntiinnu waxay caddeyn u tahay in damiirkii Soomaaliyeed uu nool yahay. Waa ii sharaf iyo masuuliyad weyn in aan idin la joogo maanta,” ayuu yiri Saacid Shirdon oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka Muqdisho.
Intii lagu guda jiray khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu fariin xoog leh u diray Ciidamada xoogga dalka, kuwa Daraawiishta dowlad goboleedyada iyo kuwa degaanka, isagoo si buuxda u muujiyay taageeradiisa naf iyo maalba leh ee ku aaddan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
“Codkeena taageerada oo aan ku biirino ciidamaddeena waa cudad togan oo ay kaashadaan ciidankeena,” ayuu raaciyay.
Ugu dambeyn, Saacid Shirdon ayaa ku dhawaaqay in uu qaban doono xaflad qaran oo dhici doonta 17ka April, taasoo uu shacabka ugu soo bandhigi doono ujeeddada safarkiisa, yoolkiisa siyaasadeed, iyo rajooyinka uu u hayo mustaqbalka Soomaaliya.
“Waxaan rajaynayaa Soomaaliya in ay noqoto sidii ay mudneyd oo ah Qaran horumarsan, mideysan, cadaalad iyo sharci ku dhisan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

