MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah Ramla Cali oo Soomaaliya ku matasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.
Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey doorka iyo dedaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkaystay una dhabar adaygtay mataaladda qarankeeda, waxa uuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay iyo kaalinta ay ku leedahay dhiiri-gelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.

