Ankara Turkey:-Safaarada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara ayaa bilihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayd xal u helitaanka sharciga daganaanshaha qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.
Danjire Soomaaliya ee dalka Turkiga Faxtudiin Cali Maxamed (Ospite), isaga oo ka duulaya arinkaas, waxa uu shir muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya.
Kulanka waxaa diirada lagu saaray arrimo la xiriira daganaanshaha jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyadda Turkiga iyo sidii arinkan xal waara loogu heli lahaa.
Danjire Ospite ayaa mahad gaar ah u celiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Wasaarada Amniga Soomaaliya oo arinkan Safaarada si dhow ugala shaqeeyay.
Safiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowladda Turkiga, taageerada iyo garab-istaaga joogtada ah ee ay mar walba lagarabtaagantahay dowladda Soomaaliya.


