Home DIBADDA Alassane Ouattara Oo markiisii Afraad kuguulaystay xilka madaxtinimo ee dalka Ivory Coast

Alassane Ouattara Oo markiisii Afraad kuguulaystay xilka madaxtinimo ee dalka Ivory Coast

0

Guddiga doorashooyinka dalka Ivory Coast ayaa shaaciyay in markii afraad oo xiriir ah uu kuguulaystay doorashada madaxweynaha, Alassane Ouattara isagoo helay 89.7% codadkii latiriyay.

Mucaaradka ugu sarreeya ee Ouattara, oo aan kaqaybgalin doorashada iyo sidoo kale tirada yar ee codbixiyayaasha, ay u horseeday guul weyn.

Murashaxiintii kula tartamayay xilka ayaa isaga haray tartanka doorashada halka qaar lagu soo oogay dambiyo

Alassane Ouattara oo 83 jir ah ayaa soo hogaamiyay dalka Ivory Coast tan iyo sanadkii 2011 kii, sidoo kale waxa uu noqday ra’iisulwasaare sanadkii 1990 kii kahorna waxa uu lashaqeeyay ha’adda lacagta adduunka ee IMF.

Guddiga dastuurka ayaa la filayaa in ay ansixiyaan natiijada doorashada maalmaha soo socda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version