Dimishiq — Madaxweynaha Suuriya Axmed Al Sharaa ayaa amar ku bixiyay in la xiro xafiiska ganacsi ee uu leeyahay walaalkiis, Jamaal Al Sharaa, kadib markii lagu eedeeyay inuu si khaldan uga faa’iidaystay xiriirka qoysnimo ee uu la leeyahay Madaxweynaha, si uu danihiisa ganacsi ugu fuliyo, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaaladda Reuters.
Sida ay soo warisay wakaaladda Reuters, Madaxweyne Axmed Sharac ayaa arrintan ka dib kulan gaar ah la qaatay qoyskiisa, oo uu ku jiray aabbahood, isaga oo uga digay in magaca qoyska loo adeegsado dano shaqsiyadeed ama faa’iido gaar ah.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in madaxweynuhu sidoo kale uu la kulmay saaxiibbadiisa dhow, isla markaana uu ka xareeyay dhowr gaari oo qaali ah oo qaar ka mid ah ay adeegsanayeen si ay uga faa’iideystaan xiriirka ay la leeyihiin.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujineysa in Madaxweyne Sharac uu doonayo inuu xakameeyo musuqmaasuqa iyo isticmaalka awoodda qoyska ee aan habboonayn, taasoo muddo dheer dhaliil lagu hayay hoggaanka dalkaas.

