Home DIBADDA Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Gaaray Magaalada Oslo ee...

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Gaaray Magaalada Oslo ee Dalka Norway.

0

Norway:Oslo-Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sharif Sheikh Ahmed ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa gaaray Magaaladda Oslo ee dalka Norway halkaas oo uu ka wado shirar muhiim ah.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa uga mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway, gaar ahaan kuwa ku sugan Magaaladda Oslo, soo dhawaynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay u muujiyeen.

Inta uu joogo Magaaladda caasimadda ah ee Oslo, Madaxwayne Shariif Shiikh Axmed ayaa kulamo iyo shirar kala duwan wuxuu la yeelan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, isagoo kala hadli doona arrimaha Siyaasadda dalkeenna, midnimada bulshada, iyo doorka qurba-joogta ee dib u dhiska dalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version